Since 1960 – madaxweynaha sanadka 2008: daahir rayaale kaahin

Marka hSample Imageore waxaan halkan ka salaamayaa dadweynaha Somaliland meel kasta ay joogaanba, Marka labaad waxaan idiinku hambalyeynayaa inaynu nasiib u yeelanay Madaxweynaha ugu wanaagsam Caalamka kaasoo ah Madaxweynaha JSL Md daahir Rayaale Kaahin.
 

Waxaan igu dhaliyey inaan u magacaabo Madaxweynaha Sanadka Md Daahir Rayaale Kaahin arimo aad u fara badan , markaan eegay wadamada dhinacyada inaga xiga, kuwa bariga dhexe iyo waliba kuwa qaaradaha kale ee inaga fog waxaad arkaysaa wadamo iyo dowladdo oo waqtiyo aad u qoto dheer soo jiray oo hadana ka bixi la dhibaatooyinka badan oo nolosha sal u ah iyagoo sheeganaya inay yihiin Dimuqraadi, Dawladahaas oo hadaan magacaabo qaar waxa ka mid ah dowladdaha Pakistan, Greece, Zimbabwi, Koonfur-Afrika, Italy, Georgia, Ethiopia, Nepal, iyo wadamo badan oon halkan ku soo koobi Karin, Hawgu litaan walamada Carbeed oo iyagu umabaahna in la sharaxo , Markaan ka hadalo wadanka Caalamka ugu quwada wayn ee maraykanka waad wada ogtihiin dhibaatooyinka uu aduunka ka bilaabay ilaa imika inay socoto.
 
 

Sample Image


 
Markaan u soo laabano Madaxweyne JSL Daahir Rayaale Kaahin, Dowladda Somaliland waan wada ognahay inaanay dhaqaalaha ay isku kabto lahayn oo aan meel wax u ool, ama aan lacag lala daba taagnayn sida madaxda Koonfurta Somaliya, Waxa la siiyana waa wax aan la odhan Karin waa in la arkaa waxay ku qabteen waayo waxa aad u badan shaqaalaha dawlada oo iyagu dhamaan sugaya Mushahar bil kasta, Dawlad waxa la siin karaa waa marka la ictiraafo oo markaa oo imika lacagtii Somaliland waxa qaadata Somalia, oo lacag bay amaahan kartaa laakiin imika JSL lama ictiraafin insha allah way soo dhowdahaye oo waliba oo magac xumi ay nala daba socdaan Somaliya oo maalinkasta magic xumi u soo hoysa magicii Somalia, oo taasi keenayso inaan albaabo badan laynaga furin, taas daraadeed waxaabaan anigu odhan lahaa aan magaca Somaliland bedelo oo magac Somali ku jirin la baxno si markay madaxda dawladu ay wadamada kale tagaan la dhagaysto , laakiin markay lasoo boodaan Somali la cararayo , Somali waan nahay laakiin magaca wadanka waa in uu ka duwanaadaa Somaliya oo magackale noqdaa , Hadaad Wadamada carabta ama nin carab ah waxa aad u adag tahay in laga dhaadhiciyo Somaliland Caawoo dhan bay kugu wareerinayaan ardhul-Soomaal, adna aad is teedahay wuu ku fahmay iyaguna ula jeedaan Somaliya , Horta taas waa in la eegaa oo laga doodaa oo meel wax laysla dhigaa, sidii wadankan Somaliland magac kale loogu bixin lahaa? haa xageen qoraalka wax marinaynay aahhahhhhha.
 
 
 
Waxa xaqiiq ah Dawladan Md Daahir ay tahay dawladii ugu wax qabadka badnayd oo waxaan alla ha u naxariisto Ina Cigaal uu qaban ay Dawladani qabatay, haday noqoto isu keenida wadanka gebi ahaan bari ilaa galbeed, Inikana Mucaaridka oo batay sida Dr. Gaboose iyo Uruka yar uu meesha la ordayeyaa, Wargeysyada Somaliland oo intooda badani ay Dowladda kasoo hor jeedaan , haba sheegin shabakadaha websiteyada waa kuwa ugu daran oo waxaan moodaa in dowladda loo furtay in wax laga sheego runtii boqolkiiba 80 dowladda ayay wax ka sheegaan , aad bay u yar yihiin website Dhexdhexaah ah, imikana sidaad la wada socotaan waxa wadankeena JSL ka socota Diiwaangelintii oo imika Goboladda badankooda ay si wanaagsan uga wada dhamaadeen , waad ogtihiin Dowladani sida ay u qabqabatay argagixisadii soo weerartay caasimadda Wadanka Hargeysa iyo sida nabada wadanka gebi ahaanba loo ilaalainayo imika.
 
 
 
Madaxweyne JSL Md Daahir waa nin degen oo aan hadalka aad uga fiirsada oo aan buuq badnayn wax qabad leh dadkiisu ay jecel yihiin, bal eega sida diblomaasiyadeed ee uu ula dhaqmo wadanka Ethiopia waa wadanka kaliya ee na ictiraafsan marka la eego afrika oo dhan, waxa kale oon ka leeyahay wargeysyada qaarkood waar kala saara Wadani nimo iyo Mucaaradnimo.
 
 
 
Ugu danbayn Waxaanan halkan ka hamblayeynayaa dadweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha JSL Md daahir Rayaale Kaahin oo ah Madaxweynaha Sanadka 2008.
 
 
 
Ibraahim Faarax Cumar
 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *